Deeq A. Posted May 1, 2020 Muqdisho (SMN) – Culimada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqdey in dowladda federaalka u fasaxday in Salaadaha lagu tukado Masaajida. Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdul-Baari, oo culimada ka tirsan, ayaa shir jaraa’id ka sheegay in dowladda qaadatay taladooda. Xukuumadda federaalka ah ayuu kaga mahadceliyey in ay soo dhaweysay baaqoodii ahaa in aan Masaajida loo xirin Coronavirus. Dhanka kale, culimada ayaa soo saartay habraac Masaajida loogu tukunayo, waxaana kamid ah in la xiro Musqulaha ama Suuliyadda. Sidoo kale, waxay soo jeediyeen; in qof walba uu gurgiisa kasoo qaato Sali, jameecada kala fogaato iyo in ay soo xirtaan Maaskarada. Wasaaradda Awqaafta ayaa horey u fartay maamuleyaasha Masaajida in ay Salaadaha Cishada iyo Taraawiixda albaabada u laabaan Masaajida. View the full article Share this post Link to post Share on other sites