Deeq A. Posted May 1, 2020 Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay weerareen saldhig ciidanka Kenya ku leeyihiin degaanka Hosingow ee gobolka Jubada Hoose. Dadka degaanka ayaa u sheegay Raadiyaha Shabelle in weerarkaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Balse, illaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo ku saabsan iska hor-imaadka oo kasoo baxay dhinacyadda dagaalamay. Wararka ayaa intaas ku daraya in Al-Shabaab ay dhowr madfac ku tuurtay xerada ciidamada Kenya, kuwaas oo dhankooda ka jawaabay. Inta badan xarakada Al-Shabaab ayaa falal noocaan ah waxay ku beegsataa fariisimaha ciidamada Kenya iyo kuwa kale ee ku sugan gudaha waddankeena. View the full article Share this post Link to post Share on other sites