Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ciidamada booliska DF oo lacag ka sameynaya bandowga saaran Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo ku sugan qaar kamid ah baraha Kontarool iyo xaafadaha Muqdisho, ayaa bilaabay in ay lacag ka sameeyaan Bandawga saaran magaalada.

Caasimada Online ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in ciidanka ay lacag ka qaataan gaadiidka qaar ee xilliyada habeenkii socda, kuwa waqtiga Bandowga ku dhacay ee raba iney xaroodaan iyo goobaha qanacsiga qaarkood.

Sidoo kale, xogta aan helnay ayaa sheegaysa in dhalinyaro badan oo la xiray lagu sii daayay lacag u dhaxeysa 10$ ilaa 15$, taas oo ah ganacsi kale oo ay booliska ka abuurteen Bandawga Muqdisho lagu soo rogay.

Dadka ugu badan ee la xiray lagana qaatay lacag si loo sii daayo waxay ahaayeen kuwa lugaynaya oo ka soo baxay masaajidyo, goobo ganacsi iyo kuwa kale oo ka yimid isla magaalada socodna ku ah guryahooda.

“Waxaan ka mid shaqada ka hor bandowga ayaana soo baxay, xaafadeyda oo dheer iyo gaadiid la’aan waxay dantu igu qasabtay inaa lugeeyo balse way la xiray waxaana laygu soo daayay 10$ oo baryo la socoto,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada Muqdisho oo la hadlay Caasimada Online.

Arrintan ayaa la sheegay inaysan wax lug ama ogoal ah ku lahayn taliska ciidamada, balse ay tahay mid ay askarta si iskood ah u sameynayaan, ayna adag tahay in wax laga qabto

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa wajahaya dhibaatooyin kale duwan oo ay kala kulmayaan Bandowga iyadoo ay usii dheertahay shaqo la’aan iyo culeeska kale ee magaalada ka jira iyadoo lagu guda jiro bishii barakeesneed ee Ramadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this