Deeq A. Posted May 1, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax khasaare geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso la galiyey agagaarka maxkamaddii hore ee degmadaasi. Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhaawacmay qaraxaan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale qaraxa kadib ayaa waxaa lagu soo warramayaa in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo dad badan u qab-qabtay qaraxaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga Marka iyo maamulka magaaladaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliyo caasimada gobolka Shabeelaha Hoose ee Marka, kuwaas oo ku xoogan deegaanada hoos-yimadaa degmadaasi. Share this post Link to post Share on other sites