Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay qofkii ugu horeeyey ee u geeriyooday Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa ka warbixiyey xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan cudurka saf-marka ah Covid-19.

Ugu horreyn wasiir Jaamac ayaa xaqiijiyey in qofkii ugu horreeyey uu xanuunkaan ugu geeriyooday deegaanada maamulkaasi, wuxuuna tilmaamay in ruuxaasi oo looga shakisnaa cudurka uu dhowaan dhintay isaga oo ku jiray xaalad karantiil ah.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in baaritaanka dheecaan laga qaaday ay u direen dalka Kenya, islamarkaana ay haatan jawaabta soo baxday lagana helay Covid-19, taas oo ka dhigeysa dhimashadii ugu horreysay xanuunka ee deegaanada Puntland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marxuumka uu ahaa qof da’ah, islamarkaana uu ku noolaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Dr Jaamac Faarax Xasan wasiirka caafimaadka dowlad goboleedka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi inay qaataan talooyinka caafimaadka, si loo xakameeyo fidista Coronavirus.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo marba marka dambeysa uu ka sii darayo cudurka Covid-19 ee Soomaaliya oo laga xaqiijiyey kiisas kor u dhaafaya 600 oo qof.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this