Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma WASAARAD caafimaad mise wakaalad caafimaad? – Dhaqtar ‘naftii hure ah’ oo kashifay wax badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa soo baxayay todobaadyadi u dambeeyay ifafaalooyin muujinayay in ka hortagga caabuqa COVID-19 ay ka dhigatay dawladdeena mashruuc dhaqaale laga sameeyo, sidii gargaarradii bani’aadanimada lagu sameyn jiray, waxaa mar-qura isbeddel weyn ku yimid wasaaraddii caafimaadka oo af mooyee addima beeshay.

Waxaa guryahoodi iyo xafiisyadoodi lagala baxay xubnihi horboodayay wasaaraddi caafimaadka oo agaasimayaal ka ahaa, waxaa shanqadheeda gaabisay wasiiraddi caafimaadka oo ku soo uruurtay inay uun fiidkii nala wadaagto tirakoobka caabuqa COVID-19 oo marar badan tirooyinka ay nala wadaagto ay is burinayaan, waxaa saaxada la wareegay xubno ka soo yaacay xafiisyada ra’iisal wasaaraha iyo madaxtooyada oo isbitaal martini iyo wasaaraddiiba urogay NGO ribix badan laga sameeyo.

Waxaa la waayay dawrki ururkii dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo ay aheyd inuu hormuud u noqdo la dagaallanka xanuunka COVID-19, kaddib markii laga soo qaaday wax aanba jirin, xubno badan oo madax sare ka ahaane ay ka mid noqdeen dhibbanayaasha xanuunkan laga helay oo iyagiiba tirada lagu buuxsaday, cid dib usoo hadal qaaddane la waayay, waxa ayna sheekadu isugu soo biyo shubatay “Qawda maqashii waxne ha u qaban”. Martini in la qalabeeyay naloo sheeg, sariiro iyo agab kalene naloo soo sawir, waxayse su’aasheydu tahay –ka dhakhtar ahaan- yaa na hoggaamiya oo dadaalka aan sameyneyno iyo naf hurnimadeena yaa isuduwe noo ah? Ma Hareri oo xafiiska ra’iisalwasaaraha ka socda, wasaaraddane u bedelay wakaalad hoos tagta xafiiska ra’iisalwasaaraha? Mise wasaaraddi caafimaadka ee ay Dr. Fowsiyo madaxda ka aheyd?

Jaalle wasiir ku aaway? Nala hadal, dadka aad hoggaamiyaha u aheyd iyo shacabka soomaaliyeedba la wadaag maxaa helay wasaaraddaada!? Maxaa ka socda isbitaal Martiini? Maxaa ka jira waxa ay dhagaheenu maqlayaan maalin kasta? Waa maxay waxa aynu aragno maalin kasta? Ma indhaheena baa been noo sheegaya?

Jaalle wasiir nala hadal!

Ma afkiibaa juuqda gabay? Ma dowrkaagi hoggaamineed baa lagu soo koobay warbixinta kooban ee aad fiidki nala wadaagtid? Sidaas ma raali baa ka tahay? Haddii aadan raali ka aheyn waxa aynu aragno “IS CASIL”.

Jaalle wasiir nala hadal!

Ma run baa in bukaannada isbitaal Martiini ku jiray korontada laga jaray ama ay ka tagtay maalinti Axadda 26/04/2020, oo ay sidaa ku neef qabatimeen 9ka bukaan ee aad nala wadaagtay  inay Martiini ku dhinteen oo ku jiray qeybta xaaladaha culus (ICU)?.

Wasiiraddeena sharafta leh waxa ay digniin udirtay isbitaallada gaarka loo leeyahay si aanu u qaabilin bukaannada leh calaamadaha COVID-19 oo ay Martiini usoo diraan. Go’aankaas waan kula qaadanay, balse Martiini maxaa kaga soo horreeya? Bukaanka aan la xaqiijin inuu COVID-19 qaba, xanuunno kale ne horay u qabay ma u heysaan meel xaaladdiisa lagula sii tacaalo inta natiijada laga helayo?  Ehelka bukaankan sideed ugu qancineysaan inuu daryeel helayo oo dawladdeenu ka fakareyso bukaankooda?

Waxaan ognahay in maalin kasta bukaanno ku dhintaan xaafadaha, qaar badan ma qabaan caabuqan, balse ehelkooda ayaa ka baqaya in Martiini loo diro, sababta baqdintaas keeneysa waan wada qiyaasi karnaa. Dadkeenu waxa ay ka aaminsanyihiin Martini meel dawladdu bukaannada ku leyso si tirada dhimashada loogu badsado, taasi waa xaqiiqda jirta maanta ee reer Muqdisho arkayaan, waxa ayna keeni doontaa in ugu dambeyn bulshada kacdoon sameyso oo dadka ehelkooda halkaa jiifa ay usoo ruqaansadaan inay bukaannadooda qasab kula baxaan; taasi waa khatarta muuqata.

Wasiiraddeena sharafta leh waxaan weydiinayaa; ‘Bukaannada idiin diiwaan gashan inay caabuqan udhinteen side loo aasaa? Wasaaraddu guddi ma usaartay howshaas qabta? Marka qabriga la geeyo shaqaalaha caafimaadka ee maydka qaaday dharka iyo agabka ay wataan ama maydka loo soo xiray halkee looga takhalusaa? Wasaaradduse maka war heysaa in qabuuraha Muqdisho maalmahan ay daadsanyihiin agab caafimaad oo ay wateen shaqaalaha caafimaadka ama meydka lagu waday?’ Taasina waa khatar kale oo dahsoon.

Halista uu leeyahay caabuqan COVID-19 waa mid aad u sareysa, dadkeenune uma baahna in mashruuc laga dhigto dadka naga dhimanaya maalin kasta. Halista cudurkan waxaa wax looga qaban karaa in si wadajir ah loo wajaho, qorshe iyo aragti fogne diiradda saarno, dhakhaatiirti dalkan wax usoo bartay ee aad gacmaha ka xirteene hoggaanka loo dhiibo, talo, tusaaleyn iyo fulinba, wasaaradduna ka caawiso qorsheynta, baahinta talooyinka, isuduwidda, tas-hiilaadka iyo qalabeynta looga baahanyahay goobaha loo asteeyay in lagula tacaalo xanuunkan.

Maalmo ka hor waxaynu ku wada faraxnay in khabiir caafimaad Dr. Fuje loo magacaabay xilka dhakhtarka guud ee dalka, waxaa moodeynay in awood hoggaamineed la siiyay oo uu isagu noqanayo cidda hageysa adeegyada bahda caafimaadka kula dagaallamaayan COVID-19, waxaase noo soo baxday in kaalintiisu ku soo uruurtay muuqaallo wacyigelin caafimaad ah.

Ditoore wacyigelinta waan kaaga mahadcelineynaa, balse waxaad sameyn kartaa adigoo xafiiskaaga jooga oo uma baahnid in xil laguu magacaabo si aad wacyigelin usameysid.

Ditoore haddii aadan heysan awood buuxda oo aad ku hoggaamiso bahda caafimaadka adigoo kaashanaya ururka dhakhaatiirta si aan wadajir ugu gurmanno dadkeena dhibban yaan shaatiga lagaa wasakheyn ee IS CASIL, wacyigelintane gurigaaga ka wad!.

Baadida nin baa kula daydaya daalna kaa badane

Oo aanu dooneyn inaad heshaa daa’in ebedkaaye

Xafiisyada dawladda ee shaqadoodi halmaamay ee uwada tafa xeytay inay dhaadhac ka helaan dadaallada COVID-19 lagu bixinayo iyo deeqaha -afba ha u badnaadaane- meelaha kala duwan nooga imaanaya, waxa ay marin habaabinayaan dadaalladi bahda caafimaadka oo ay ka dhigayaan hal bacaad lagu lisay. Bahda caafimaadku waa naftood hurayaal meel kasta oo ay joogaan, imisaa kaga dhimatay COVID-19 imisaase u jiifta maanta? Waxaase maanta dhabarka ka toogtay dad dano gaar ah leh oo laga soo naasnuujinayo xafiisyada ugu sareeya dawladdeena.

Haddaba maxaa inoo haray haddii aan dhimashada walaalaheen ku fakarno inaan lacag ka sameyno?!

Laga bialabo daqiqadaha aan qoraalkan sameynayo waxaan goostay inaan joojiyo adeeggi caafimaad ee aan bulshada u hayay – ka dhakhtar ahaan-, khatar badan oo aan u bareeray inagoo aan heysan wax difaac ah kaddib, hoggaanki na horsoconlahaane dadaalkeeni meel cidla ah ka dhigay, waxa la eeganayana ay noqotay inaan mid mid usoo dhacno si aanu tirada ubuuxinno, bukanki aan u halgameynayne la dayacay, kas iyo kama’ ba, si lambarka qabyada ah loo buuxiyo, awood aan wax ku qabtane jirin waxaan goostay inaan nafteyda kala baxsado furinta hore oo aan gurigeyga iska joogo.

ALLAAHUMMA HAL BALLAQTU, ALLAAHUMMA FASHHAD

Waxaa Qoray: Naftii hure Dhakhtar caafimaad ah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this