Sign in to follow this  
Deeq A.

11 xildhibaan oo lix qodob kasoo saaray HESHIISKII Nairobi fariinna u diray DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Ilaa 11 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kuna sugan dalka Kenya, ayaa qoraal ay soo sareen waxa ay ku bogaadiyeen taageeradii ay wakiilada beesha caalamaku u muujiyeen heshiiskii dhex maray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubnihii Isbedel doonka ee kasoo hor jeeday.

Qoraalka ay soo saareen oo ka kooban lix qodob ayey sidoo kale xubnaha ku saxiixan warqadani kusoo dhaweeyeen heshiiskii Dhuusamareeb ku dhex maray madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo madaxweynihii ka horreeyey Xaaf.

“Xildhibaanadu waxay hambalyeynayaan heshiiskii siyaasadeed ee madaxdii isbedel doonka iyo madaxweynaha Jubbaland ay ku gaareen Nairobi, madaxdaas oo iyaga oo xeerinaaya marxaladaha adag ee dalku marayo, sida furuufaha amni iyo dhaqaale ee ku xeeran dadka reer Jubbaland isku tanaasulay”ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu yiri, “Xildhibaanadu waxay mahad iyo bogaadin u dirayaan saaxiibada Soomaaliya oo soo dhaweeyey heshiiskaas, kuwaas oo ay ugu horeeyaan UN, USA, EU, UK iyo Turkiga, kuwaas oo ah dowladaha sida gaarka ah xilka iskaga saaray sidii Soomaaliya ay cageheesa si buuxda isugu taagi laheyd.”

Xildhibaanada soo saaray qoraalkan ayaa xukuumadda federaalka ugu baaqay inay taageerto heshiiskii madaxda isbedel doonka Jubaland iyo madaxda maamulka, kaas oo ay ku tilmaameen mid loogu turay dadka reer Jubbaland.

Sidoo kale xubnahan ayaa xukuumadda federaalka uga mahad celiyey taageeradii dhaqaale ee ay u fidisay, dadkii daadadku ku waxyeeleeyeen magaalada Qardho ee Puntland, waxayna ka dalbadeen xukuumadda in gurmad loo fidiyo dadka ku nool magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo uu ku fatahay Wabiga Jubba.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

WhatsApp-Image-2020-04-30-at-3.02.31-PM. WhatsApp-Image-2020-04-30-at-3.02.33-PM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this