Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamanka Puntland oo Fadhi aan Caadi ahayn ka yeeshay Xaaladda Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa maanta oo Khamiis ah Fadhi aan caadi ahayn ka yeeshay Waxyeellada ka dhalatay Fatahaaddii ka dhacday Magaalada Qardho.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibril, oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa shir guddoomiyey Kulankaas aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada ah.

Fadhiga oo ka qabsoomay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland ee Caasimadda Garoowe, ayaa looga hadlay khasaaraha ka dhashay Daadadkii ku fatahay Magaalada Qardho iyo Gurmadka loo fidinayo Shacabka ku waxyeelloobay Fatahaaddaaas.

 Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland,  waxay ugu dambeyntii  isku raaceen in sida ugu haboon ay uga qayb qaataan Gurmadka iyo Taakulaynta Shacabka Degmada Qardho eek u tabaaloobay Fatahaadda.

1-28.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-19.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-18.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5-14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6-13.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddiga Joogtada ah ee Baarlamanka Puntland oo Fadhi aan Caadi ahayn ka yeeshay Xaaladda Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this