Deeq A. Posted April 30, 2020 Illaa iyo saddex qof oo ay biriq ku dhaawacday duleedka caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa la dhigay Isbitaalka guud ee magaaladaas. Dadkaan ayaa qeyb ka ahaa todoba ruux oo isku qoys ah oo biriqda ay ku habsatay hoygooda habeenimadii xalay, sidda ay sheegeen dadka degaanka. Afar qof oo ay ku jiraan caruur ayaa ku geeriyooday biriqdaas. Maanta oo Khamiis ah ayaana lasoo wariyey in la aasey. Roobab xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay degaano iyo degmooyin ka tirsan Soomaaliya, waxaana ay qayb ka yihiin roobabka Gu’ga ee curtay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites