Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan AMISOM oo laga helay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka ciidamada difaaca dowlada Uganda sareeye guuto Richard Karemire oo la hadlay wargeyska Daily Monitor ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa xaqiijiyay in  cudurka Coronavirus laga helay  askari kamid ah ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM.

Sareeye guuto Richard Karemire afhayeenka ciidamada difaaca Uganda ayaa sheegay in askarigaasi lagu arkay qaar kamid ah astaamaha safmarka COVID-19,kadib markii baaritaan lagu sameeyanaya laga helay cudurka Coronavirus oo Soomaaliya ka jira.

Sidoo kale afhayeenka ciidamada difaaca Uganda ayaa tilmaamay in askarigaasi kamid ah howlgalka AMISOM markii laga helay cudurka lagu karantiilay goob gaar ah halkaasina looga dabiibayo cudurka safmarka ah ee Coronavirus,haatana ay xaaladiisu wanaagsantahay.

Si kastaba ha’ahaatee dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 6 kun oo askari,kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM,waxaana askarigan u dhashay Uganda ee laga helay cudurka COVDI-19 uu kamid noqonyaa dad badan oo ajaanib kuwaas oo iyagoo ku sugan magaalada Muqdisho laga helay safmarka Coronavirus.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada bariga Africa ee saameynta xoogan uu ku yeeshay cudurka Coronavirus,waxaana socda dedaalo caalami ah oo ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya,kuwaas oo lagu xakameenayo in faafitan dheeraad uu sameeyo safmarka Coronavirus oo aafo caalami ah loo aqoonsaday.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this