Deeq A. Posted April 30, 2020 Dadkii ugu badnaa ayaa ka barakacay fatahaadihii ku rogmaday Baardheere ee gobolka Gedo iyo tuulooyinka u hareereysan kadib markii uu fatahaad uu sameeyay Webiga Jubba. Maxamed Cabdiraxiin, oo ah gudoomiyaha iskaashatada Baaraleyda Baardheere, ayaa Raadiyaha Shabelle u sheegay in uu jiro bakarac aad u fara badan oo ay sameeyeen dadka ku nool nawaaxiga Baardheere, kuwaas oo u badan Beeraley. Isagoo hadalkiisa sii wata, Maxamed Cabdiraxiin ayaa sheegay in 130 tuulo oo dhinaca ku haya webiga in laga barakacay, waxaana uu intaasi ku daray in fatahaaduhu ay sababeen khasaaro hantiyadeed oo u badan burbur soo gaarey dalaga Beeraha. Qaar ka tirsan degaanada hoostaga Jubaland ayaa waxaa fatahaadyo ku sameeyay Webiga Jubba, taas oo sababtay in dad badan ay guriyahooda ka barakacaan, waxaana isa soo taraya baaqyadda ku aadan in gurmad lala gaaro dadka ay fatahaaduhu saameeyeen. View the full article Share this post Link to post Share on other sites