Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabasho laga muujiyey Isbaarooyinka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan malateriga Soomaaliya ay isbaarooyin hor leh dhigteen degaano badan oo ku yaalla gobolkaas, kuwaasi oo isku xira Muqdisho iyo gobolkaas.

Nabadoon Cumar Cabdi Maxamuud oo kamid ah wxgaradka gobolkaasi islamarkaana ku socdaalay wadooyin badan oo ku yaaala Gobolka oo la hadlay Shabelle ayaaa sheegay in Ciidamada Dowlada isbaarooyin hor leh ay dhigteen Mmeelo kala duwan, taas oo uu sheegay in saameyn xoogan ay ku yeesheen dadka shacabka iyo Gadiidley wadooyinka.

Ilaa Afar jidgooyo cusub ayaa lasoo wariyey in Ciidanka Dowlada ay dhigteen inta u dhaxeysa degaanaka Lambar 60 iyo Muuri kuwasi oo la sheegay in Dad shacab ah lagu dhibaateeyo.

Taliska Ciidamadda Xoogga Dalka ayaa horey uga digay Isboorooyinka sharci daradda ah, waxaana uu daboolka ka qaadey in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono askarigii ama sarkaalkii lagu soo qabto barahaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this