Deeq A. Posted April 30, 2020 Maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa la sheegay in uu sameystay qolal lagu ciqaabo dadka dhaliila mas’uuliyiinta maamulkaas. Sidda ay wararku sheegayaan, dadka ugu badan ee xadgudubka loogu geystay xaruntaas waxaa loo beegsaday fekerkooda oo ay cabireen Bulshaawi Axmed Xasan oo todoba cisho goobtaas lagu haayey, ayaa Raadiyaha Shabelle u sheegay in loo jirdilay comment uu ka bixiyey qoraal maamulka kasoo baxay. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga degmadda ayuu ka dhawaajiyey in ay kala soo baxeen hoygiisa, iyaddoo aan loo sheegin sababta. Qolalka ciqaabta lagu geystay oo ku yaala xaafadda Cusboole ayuu ka dhawaajiyey in aysan ka war-hayn nabad-sugida iyo milatariga. Dhanka kale, wali ma jiro wax jawaab ah oo ku saabsan eedeyntaan oo illaa iyo haatan kasoo baxday maamulka degmada iyo dowladda federaalka. Hoos ka dhageyso warbxinta oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Dayniile.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites