Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Dib ULa Wareegtay Hotelka Hargeysa Club

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa la wareegtay Hotelka Hargeysa Club oo laba mu’waadin hore maalgashi ugu sameeyeen kadib markii xukuumaddu muddo 30 sannadood ka kiraysay.

Tababaraha caanka ah ee Jaamac Karaaciin, iyo Suldaan Siciid Yuusuf Du’caale, ayaa ahaa labada qof ee Hotelka dhisayay.

Hotelkan oo hadda dhammaad ku dhawaa ayaa xalay la geeyay ciidamo Boolis ah

Qoraal wasaaradda Hawlaha guud qortay ayaa lagu sheegay in xukuumaddu rasmi ahaan uga laabatay heshiiska hore loogu kireeyay Hotelka.

Weli ma cadda sababta xukuumaddu xilligan heshiiska uga laabatay iyadoo Suldaan Siciid iyo wefdi xukuumadda Somaliland ka tirsani hawlo nabadayn ay u joogaan gobolka Sanaag.

Dawladdii Daahir Riyaale, ayaa heshiiska gashay iyadoo xukuumadda hadda ee madaxweyne Biixi-na sii cusboonaysiisay muddo 30 sannadood ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this