Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoos u dhacii ugu xooganaa oo ku yimid dhaqaalaha Mareykanka in ka badan 10 sano

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimadda Online) – Dhaqaalaha Mareykanka waxa uu la daalaa-dhacayaa xaalad ma hubanti ah, tan iyo in ka badan 10 sano, markii ugu horraysay iyada oo lagu jiro qaybtii hore ee sannadka, isaga oo waddankuna galay xaalad u muuqatay bandaw oo uu kaga hortagayey faafitaanka feyraskaasi.

Waddankaan ugu dhaqaalaha badan dunidu waxa uu hoos u dhacay dhaqaalihiisu heerka sanadlaha ahaa 4.8%, sida lagu sheegay tirooyinka rasmiga ah ee la soo faafiyey Arbacadii.

Xogta la baahiyey ayaa tilmaamaysa xiisadda dhaqaale ee waddankaasi ka taagan, iyadoo markii horena xayiraado badan dalkaasi aanu gelin, tan iyo ka hor March.

Safmarkan “ayaa sababi kara dhibaato aad u weyn oo bini aadamnimo iyo dhaqaale guud ahaan Mareykanka iyo daafaha dunida”, siyaasad dejiyaasha baanka dhexe ee Mareykanka ayaa Arbacadii sidaasi sheegay.

Mareykanka ayaa isku deyey inuu taakeeyo xaaladda dhaqaale ee dalkaasi iyagoo ku dhawaad $ 3tn (£ 2.4tn) oo cusub qarash gareeyey oo ay ku jirto lacago toos ah oo la siiyey qoysas badan. Kaydka Federalka wuxuu kaloo qaaday talaabooyin deg-deg ah, oo ay kujirto hoos udhaca saamiga dulsaarka ilaa eber la gaadhsiiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this