Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kharashka ku baxay diyaaraddii tagtay Jowhar oo ka badan deeqda caafimaad ee DF ay bixisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tiraba labo jeer qalab caafimaad oo loogu tala-galay ka hortaga cudurka safmarka ah ee dunida ku faafay ee Coronavirus ugu deeqday maamul goboleedka Hirshabeelle.

Dowladda ayaa agabkaasi caafimaad ka dejisay magaalada Jowhar ee caasimada maamulkaasi, iyada oo ay kasoo baxayaan xogo ku saabsan in agabkaasi caafimaad iyo kharashka ku baxay safarka diyaarada ka dejisay agabkaasi ay aad u kala badan-yihiin, midaasi oo ka dhigan in kharashka lagu soo kireeyay diyaaradu uu ilaa xad ka badan yahay agabka caafimaad ee la gaadhsiiyay.

Arrinta la yaabka leh ayaa noqotay in diyaarada siday agabka caafimaad ay labo jeer ka degtay magaalada Jowhar, iyada oo sida agab yar oo caafimaad, midaasi oo sarre u sii qaaday kharashka kirada diyaarada.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa iyagu laftigeedu arrinkaasi ku noqday mid layaab leh maadama agabka diyaaradu ay labada jeer ay ka dejisay magaalada Jowhar ay soo qaadi kartay halmar, maadama uusan aheyn agab badan oo caafimaad.

Agabka caafimaad ee dowladda federaalku ay ka dejisay Jowhar, ayaa la aaminsan yahay inuusan wax badan ka tari doonin dagaalka uu maamulkaasi kula jiro cudurka Coronavirus, oo uu maamulkaasi kaga geeriyooday Mas’uul sarre oo ka tirsanaa golaha wasiirada.

Waxaana xusid mudan in diyaarada markii labaad ee ay geysay qalabka caafimaada magaalada Jowhar ay siday xubno ka tirsan xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo lagu eedeyo inay la wareegen shaqadii wasaarada caafimaadka Soomaaliya.

Dhinaca kale, dowladda federaalka ayaa todobaadkii hore ku shubtay qasnada maamulka Hirshabeelle lacag dhan 500-kun oo dollar oo qeyb ka ah 1-Milyan oo dowladu ugu deeqday maamul goboleedyada si ay ula tacaalan cudurka Coronaha, midaasi oo dhowaan dhalisay in magaalada Jowhar uu ka dhasho guux siyaasadeed oo is-khilaafsan.

Waxaana magaaladaasi ka bilowday mooshino xil ka qaadis ah oo iska soo horjeeda, kuwaasi oo laga kala keenay Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, midaasi oo dhalisay shaki weyn oo laga qabo in lacagtaasi loo isticmaalayo arrimo siyaasadeeda, taasi oo baalmarsan ujeedka maamulka Hirshabeelle loogu deeqay lacagtaasi.

Inkasta oo saacadihii lasoo dhaafay ay magaalada Jowhar ka bilaabatay waan-waan iyo isku soo jiid ka dhan ah xubnaha ka wada tirsan maamulka ee uu khilaafka siyaasadeed soo kala dhex-galay, hadana waxa weli taagan xiisada dabada ku haysa maareynta lacagta ay dowladda federaalku ugu talo-gashay la dagalaanka Coronavirus.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this