Sign in to follow this  
Deeq A.

Daadad ku soo rogmaday Ceeldaahir oo xannibay isu-socodka gaadiidka

Recommended Posts

Deeq A.   

Daadad xooggan oo xalay ku soo rogmaday togga degaanka Ceeldaahir ee gobolka Bari kadib roobabka gu’ga oo saacadihii u dambeeyay halkaasi ka da’yay ayaa hakad geliyay isu-socodka gaadiidka Laamiga dheer ee isku xira gobollada Puntland.

Daadadkaas oo xalay saqdii dhexe soo rogmaday ayaa la soo sheegayaa in ay buux dhaafiyeen toggga Durdur oo ku yaalla tuulada Ceeldaahir waxaana tan iyo wakhtigaas hakad ku jira isu-socodka gaadiidka oo ku xanniban labada dhinac ee toggaas.

Gaadiid fara badan oo ka yimid labada dhinac  ayaa weli ku xayiran togga inkastoo la soo sheegayo in daadadka halkaas maraya ay sii yaraanayaan saacadba saacadda ka dambaysa lana filayo in isu-socodku dib u furmo.

Roobab mahiiggaan ah oo todobaadkan ka da’aya degaannada Puntland ayaa daadad xooggan ku celiyay dhulka dooxooyinka iyo togaga ah ee ku yaalla gobollada Bari iyo Karkaar waxaase ay khasaaraha ugu badan gaarsiiyeen magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

PUNTLAND POST

The post Daadad ku soo rogmaday Ceeldaahir oo xannibay isu-socodka gaadiidka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this