Sign in to follow this  
Deeq A.

Digniin laga soo saaray Roobab mahiiggaana oo ku soo wajahan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Qardho.jpg?resize=1000%2C524&ssl=1Saaka iyo Qardho

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa Maanta oo Khamiis digniin ka soo saartay Roobab Mahiiggaana oo sida Wasaaraddu sheegtay ku soo wajahan Degaannada Puntland.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo xiganaysa xog laga helay Saadaasha Hawada ayaa lagu sheegay in Puntland ay ku soo wajahan yihiin Roobab mahiiggaan ah oo khasaare gaysan kara.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku baaqday in laga baxo Dhulka godan iyo Meelaha Biya-marenka ah si looga gaashaanto Khasaaraha Roobabka la saadaalinayo ee ku soo wajahan Degaannada Puntland.

Waxaa dadweynaha lagu wargelinayaa in saadaasha hawadu sheegayso inay soo socdaan roob mahiigaan ah oo khasaare geysan kara. Hadaba waxaa la farayaa inay ka guuraan dhulka godan iyo meelaha biyo mareenka ah” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

PUNTLAND POST

The post Digniin laga soo saaray Roobab mahiiggaana oo ku soo wajahan Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this