Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaxda oo guul ka gaartay tartan aqooneedka SMN

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa habeenkii todobaad galay tartan aqooneedka faca weyn ee shabakada warbaahinta Shabelle ee bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo habeenkii xalay ahaa ay ku tartameen degmooyinka Kaxda iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobolka Banaadir iyo Shabeellaha Hoose.

Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa xalay guul ka gaartay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Labada degmo oo kawada tirsan Group-ka D ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxa ay xalay guushu raacday degmada Kaxda

Tartamayaasha degmada kaxda oo dadaal iyo fir-fircooni ay muujiyey ayaa la yimid dhibco gaaraya 12, halka Afgooye ay keensatay 8 buundo.

Degmada kaxda ayaa noqotay degmadii 4-aad ee badisa, tan iyo markii la bilaabay tartanka, waxaana ka horeeyey degmooyinka Cabdicasiis, Dayniile iyo Warta Nabadda.

Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this