Deeq A. Posted April 30, 2020 Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim oo waraysi siinayay Shabelle ayaa ugu baaqay shacabka iyo maamulka HirsShabelle in ay sameeyaan ka hortag si loo yareeyo khatarta ka dhalan karta daadad mar kale ku dhufta degaanada maamul goboleedkaas. Mudanaha ayaa sheegay in looga baahanyahay dadka iyagu dagan meelaha inta badan fatahaadaha saameeyaan laga fogeeyo lana geeyo meela kale maadaama laga cabsi qabo in mar kale degaanada maamulkaas ay kadhacaan fataahaad uu sameeyo wabiga Shabelle Sharci-dejiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyay in madaxda HirShabelle ay kawada hadleen in kahortag laga sameeyo daadad markale ka dhaca deegaanada hir shabelle. Wabiga shabelle ayaa lagu soo waramayaa inuu sii buux dhaafinayo xili roobab mahiigaan ah ay ka da’een qeybo kamid ah gobolada Soomaaliya, waxaana inta badan dhacda in fatahaaduhu saameyn ku yeeshaan dadka iyo beeraha ay ka dhacaan gobolada ShabellaHa Dhexe iyo Hiiraan, taasi oo cabsi badan laga muujinayo waqti xaadirkaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites