Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir heerkiisu sarreeyo oo laga weeshay arrimaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo mas’uuliyiin ka socota midawga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Turkiga, Ingiriiska, iyo Mareykanka, ayaa Mareegta Internet-ka ku yeeshay kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga dooday horumarka ay ku tillaabsatay dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo tillaabooyinka xiga ee dib-u-kabashada dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre waxuu sheegay in hoggaanka dalka ay ka go’antahay dib-u-habeynta hey’adaha dowladeed, in lagu taagnaado wadada dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo in lagu geeleysto Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah.

Dhammaan mas’uuliyiinta ka qayb galay kulanka ayaa ballan qaaday in sii wadayaan taageerada dowladda Soomaaliya ay la garab taaganyihiin si loo gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this