Deeq A. Posted April 30, 2020 Muqdisho (SMN) – Shariif Sheekh Axmed ayaa baaq wuxuu kasoo saarey fatahaadaha ka dhacay degaano ka tirsan maamulka Jubaland gaar ahaan Baardheere, Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa. “Waxaan murugada la qaybsanayaa shacabka ku barakacay daadadka ku dhuftay deegaanno ka tirsan Jubaland sida Baardheere, Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa,” ayuu yiri Shariifka. Wuxuu raaciyey: “Waxaan ugu baaqayaa Dowladda, Ganacsatada, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in gurmad degdeg ah loo fidiyo”. “Waa bil Ramadaan ee aan gacmaha isqabsanno walaalaheenna u gurmano,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. Sikastaba ha ahaatee, Shariif ayaa haatan ah gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran xilli uu horey u soo noqdey madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites