Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo Shir ka yeeshay Arrimaha dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo mas’uuliyiin ka socota midawga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Turkiga, Ingiriiska, iyo Mareykanka, ayaa Mareegta Internet-ka ku yeeshay kulan ku saabsan arrimaha Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Kulanka looga dooday horumarka ay ku tillaabsatay dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo tillaabooyinka xiga ee dib-u-kabashada dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre, wuxuu sheegay in hoggaanka dalka ay ka go’antahay dib-u-habeynta hey’adaha dowladeed, in lagu taagnaado wadada dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo in lagu geeleysto Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah.

Dhammaan mas’uuliyiinta ka qayb galay kulanka, ayaa ballan qaaday in sii wadayaan taageerada dowladda Soomaaliya ay la garab taaganyihiin, si loo gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo Shir ka yeeshay Arrimaha dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this