Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay in Dowladda Soomaaliya Hal Milyan oo Dollar ku bixisay Gurmadka Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudigha Sare ee Dowladda Puntland u qaabilsan Gurmadka Fatahaada Magaalada Qardho, oo xalay warbaahinta kula hadlay Qardho, ayaa ka warbixiyay halka uu marayo Gurmadka.

Wasiir Maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal,  oo ka tirsan Guddiga Gurmadka Qardho, ayaa ugu horrayn sheegay in lacag dhan hal Milyan oo Dollar, oo loogu tala-galay Gurmadka Fatahaadda, ay Dowlada Federaalka ah soo gaarsiisay Guddiga, islamarkaana wuxuu u mahad-celiyay Dowlada dhexe kaalinta ay ka qaadatay Gurmadkaas.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Shalay deeq raashin ah oo ka timid Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe uu Gudiggu la wareegay, Si guudna ay ugu mahad-celinayaan Maamulada degmooyinka iyo Shacabka ka qayb qaadanaya Gurmadka.

Wasiir Xasan Abgaal, ayaa sidoo kale tilmaamay in deeqo kale ay keeneen Wasaaradaha Puntland Qaarkood, Kuwaas oo isugu jirra Biyo Nadiifah, Cunto Bisil, Bacaha Roobka iyo Bustayaasha laga dugsado dhaxanta.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Puntland oo shaacisay in Dowladda Soomaaliya Hal Milyan oo Dollar ku bixisay Gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this