Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Turkiga oo amray in aysan guryaha kasoo bixin dadka ka weyn 65 sano iyo kuwa ka yar 20 sano

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Turkiga oo amray in aysan guryaha kasoo bixin dadka ka weyn 65 sano iyo kuwa ka yar 20 sano

 

erdogan.jpg

Dalka Turkiga oo ka mid ah dalalka la daalaa-dhacaya cudurka Coronavirus ayaa waxaa laba-jibaaray ka hortagga cudurkaasi, iyadoona awaamir hor leh la dul-dhigay shacabka ku nool dalkaasi.

Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdoğan ayaa kusoo rogay awaamiir hor leh shacabka, waxaana uu faray in aysan uryaha kasoo bixi karin dadka ka weyn 65 sano iyo kuwa ka yar 20 sano labada isbuuc ee soo socda.

Saddexdii isbuuc ee u dambeeyay magaalooyinka waaweyn ee dalka Turkiga sida Istanbul iyo magaalooyin kale ayaa ahaa kuwo gebi ahaanba xisan oo aan wax dhaq-dhaqaaq ka jirin, waxaana ka hirgelay amar uu horay u duldhigay madaxweyne Erdogan kaas oo lagu xakameynayo cudurka COVID19.

Ilaa iyo iminka in ka badan 115-kun ruux oo turki ah ayuu haleelay cudurka coronavirus, waxaana u dhintay tiro lagu sheegay 2992 oo ruux.

Guud ahaan dalka Turkiga ayaa waxaa ku nool dad kor u dhaafaya 82 milyan.

istanbul.jpg istanbul1.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this