Sign in to follow this  
Deeq A.

DF iyo beesha caalamka oo ka shiray marxaladda kala guurka siyaasadda Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo mas’uuliyiin ka socota midawga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Turkiga, Ingiriiska, iyo Mareykanka, ayaa Mareegta Internet-ka ku yeeshay kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu, oo ka qeyb galay kulanka, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda kala-guurka Soomaaliya, xilli dalka isku diyaarinayo doorahsooyin.

“Shirka oo uu abaabulay Midowga Africa, waxaa looga hadlay tallaabooyinka si wadajir ah loo qaadi doono si loo taageero kala-guurka siyaasadeed iyo hanaanka nabadda kadib COVID-19,” ayuu yiri Cavusoglu.

“Mar walba waan garab taagannahay saaxiibadeen iyo walaalaheen Soomnaaliya.”

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu yiri “kulanka ayaa looga dooday horumarka ay ku tillaabsatay dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo tillaabooyinka xiga ee dib-u-kabashada dalka.”

Khayre ayaa sheegay in hoggaanka dalka ay ka go’an tahay dib-u-habeynta hey’adaha dowladeed, in lagu taagnaado wadada dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo in lagu geeleysto Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah.

Dhammaan mas’uuliyiinta ka qayb galay kulanka ayaa ballan qaaday in sii wadayaan taageerada dowladda Soomaaliya ay la garab taaganyihiin si loo gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this