Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Mareykanka oo ka hadashay suurta-galnimada wada-hadal dhex mara DF Soomaaliya iyo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo wareysi siiyey Xarunta La-dagaaalanka Argagixisada (Combating Terrorism Center) ayaa wax laga weydiiyey suurta-galnimada wada-hadal dhex mara dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.

Yamamoto ayaa sheegay in dalal badan ay rumeysan yihiin in wada-hadal lagu soo geba-gebeyn karo dagaalka Soomaaliya, hase yeeshee ay su’aashu tahay in xubnaha Al-Shabaab ay ogol yihiin wada-hadal?

“Marka ay noqota xaaladda Soomaaliya, waxaa jira 2,000 illaa 3,000 oo ah dagaalyahanno Shabaab ah oo mayal adag, kuwaas oo aan dooneyn wada-xaajood, taasina waa dhibaato, sidaas darteed sidee ku keeneysa miiska wada-hadalka,” ayuu yiri Yamamoto.

Yamamoto ayaa sheegay in dad badan ay hadda eegayaan xaaladda Afghanistan iyo heshiiska lala galay Taliban, ayna rumeysan yihiin inay tusaale u noqon karto dalal kale, sida Soomaaliya oo kale, balse la doonayo in dal kasta si gaar ah loo eego xaaladdiisa.

“Waxaan u maleynayaa in marka ay noqoto Soomaaliya ay tahay inaan la gaarin waqtigii aan oran lahayn ‘waxaan u baahanahay wada-xajaood’. Waxaan rumeysanahay in ugu dambeyn wada-xaajoodku, ha noqoto mid lala galo Al-Shabaab ama koox ama urur kale uu yahay caqabad, waana arrin ay tahay inay go’aansadaan dadka Soomaaliyeed, ma ahan arrin u taalla Mareykanka, waa arrin u taalla Soomaaliya,” ayuu yiri.

“Waa inaan fahamnaa in kani uu yahay dagaalkooda, waa na saameyneysaa annaga, kaalin ayaana ka qaadan doonnaa, balse waa Soomaalida kuwa go’aanka ka gaaraya inay doonayaan wada-xaajood iyo in kale.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this