Sign in to follow this  
Deeq A.

“Maanta waxaan Bakaaraha tegay anigoo xiran maaskaro, kadib maxaa dhacay?”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa sii kordhaya, waxaana sababta ugu weyn lagu sheegay dadka oo aan qaadan talooyinka caafimaad ee looga hortagay cudurka, ama xitaa kuwa qaata ku dhalleeceeya.

Tusaale arrintan la xiriira ayaa qabsaday mid ka mid ah akhristayaasha Caasimada Online, oo tegay suuqa Bakaaraha, isaga oo xiran maaskaro, taasi oo ku tuseysa heerka halista ay Soomaaliya wajaheysa.

Qoraalkan ayaa waxaan usoo gudbinay si uu tusaale iyo wacy-gelin ugu noqdo bulshada. Haddaba hoos ka aqriso

Maanta ayaan xirtay maaskarada yar ee Afka lugu xirto, waxaana kasoo adeeganayey Suuqa weyn ee Bakaaro, waxaan la kulmay naceyb iyo cay oo markii dambe gaartay in la igu yiraahdo ninkaan wuxuu faafinayaa Coronavirus.

Si aan yeelo markaan waayey, waxaan go’aan ku gaaray inaan iska furo, waxaana markaas kadib kamid noqday dadka caadiga ah ee aan laga daba qeylineyn.

Maaskarada waxaan u xirtay waxay iga aheyd inaan cudurka Coronavirus ka qaadin dadka qaba, adigana waxaad qabto ma taqaanid ee dadka kale afka ka xiro, intaas way socon weysay, waxayna natiijada noqotay mid Covid19 qabo iyo mid aan qabin garan meyside waxaad noqoto arag.

Waxaa reer muqdisho iiga muuqatey illaa aan aragno qof suuqa ku dhacay oo naftii deysey  sida Shiinaha suuqyadiisa ka dhacday talo caafimaad qaadan meyno ee horaan u soconeynaa, taas oo ku tusineyso wacyi gelin la’aanta ka dhex jirto bulshada Muqdisho.

Haddii aan la qaadan waci gelinta oo waxa jiraba run loo qaadan qof walba gurigiisa ayuu usoo gargaraaci doonaa Covid-19.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this