Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Jubbaland oo shaaciyey in laga helay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha iyo waraabka maamulka Jubbaland Mahdi Muxyadiin Maxamed ayaa shaaciyey in uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, isaga oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiir Mahdi Muxyadiin oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xanuunkan uu isku arkay 21-kii bishan, isla markaana baaritaan lagu sameeyey Axadii lasoo dhaafay natiijadiisu ay soo gaartay galabta, taas oo tilmaameysay in uu qabo COVID-19, sida uu sheegay.

Masuulkan ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu dareemayey xanuunka feyruskan, balse shaqadiisa uu u watay si caadi ah, waxuu intaas raaciyey inuu ku jiray shakiga ah in uu qabo cudurka Corona, balse uu iska dhowray shaqaalaha wasaaradda iyo qoyskiisaba, sida uu sheegay.

Wasiir ku xigeenka ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan yareysan dhibaatada cudurkaas, oo hadii ay isaga shakiyaan iska dhowraan bulshada inteeda kale si aysan u qaadsiin.

“Dhamaan umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay is badbaadiya oo ha isku qarinina cudurkaan, aniga waxaan gooni uga baxay dadkii aan la noolaa, xataa istaafkeyga, daaqadda guriga ayaan kala hadlaa dadka ila nool” ayuu yiri  Mahdi Muxyadiin Maxamed Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha iyo waraabka Jubbaland.

Wasiiru dowlihii cadaaladda Hir-Shabeelle ayaa horay ugu geeriyooday cudurka COVID-19, kadib markii uu ku soo ritay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Tirada guud kiisas Coronavirus ee laga diiwaan geliyey gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 582-kiis, waxaa kasoo bogsatay 20-qof, halka 28 qof ay u geeriyootay, inta la ogyahay.

Hoos ka dhageyso wareysiga Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha Jubbaland Mahdi Muxyadiin Maxamed

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/Wareysi-Wasiir-ku-xigeenka-Wasaarada-beeraha-iyo-waraabe-Jubbaland-Mahdi-Muxidiin-Maxamed.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this