Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war kasoo saaray HESHIISKA Axmed Madoobe, Seeraar iyo Xidig

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa soo dhoweeyey heshiiska ay dhinacyadii isku hayey siyaasadda Jublanad ku gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, 23-kii bishan.

Heshiiskan, oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Kenya, ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo labaduba sheegeenayey madaxweynaha Jubaland, iyo Daahir Sheekh Axmed.

Qoraal lasoo dhigay barta twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku qeexay heshiiska Jubaland “inuu billow u yahay wada-hadla dhex mara madaxweyne Axmed Madoobe iyo hoggaamiyayaasha kale, si loo dhiso maamul metelaad leh.”

“Waxaan ku baaqeyntaa fulinta heshiiska iyo kusoo darista dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Jubaland. Midnimada iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.”

Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale shalay soo dhoweeyey dalalka kale ee beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya oo qoraal ay soo saareen ku yiri “Heshiiskan waxa uu ka dhiggan yahay tallaabo gacan ka gaysaneysa oo loo qaaday xalinta muranadii kasoo ifbaxay hanaankii doorasho ee Jubaland ee August 2019, kaasi oo kala qeybiyey bulshada iyo saamileyda siyaasadda Jubaland.”

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday baaqeysa maamulka Jubaland iyo hoggaanka dowladda federaalka “inay si nabad leh wada-hadal ugu xaliyaan khilaafkooda weli socda, ayna qaboojiyaan xiisadda ka taagan gooblka Gedo.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this