Deeq A. Posted April 29, 2020 Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 54 kiisas cusub oo ah fayruska safmarka ah ee Corona. Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa ka dhawaajisay in xaaladahaan cusub laga helay magaalada Muqdisho. Tani ayaa ka dhigan in tiradda guud ahaan dalka ee kiisaska xanuunkaan ay gaareen 528, sidda ay Fowziya xaqiijisay. Sidoo kale, wasiiradda ayaa xustay in aysan jirin wax dhimasho ah oo la xiriirta Covid-19 oo ay diiwaan-geliyeen 24-kii saac ee lasoo dhaafay, tirada guud ee geeridana ay ku eg-tahay 28 qof. Ugu dambeyntii, waxay ka dhawaajisay in hal qof uu bogsaday, taas oo tiradda guud ee dadka caafimaadey ka dhigtay 20. View the full article Share this post Link to post Share on other sites