Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegatay inay qarax ku dishay 4 askar oo ciidamada dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo nooca miinada ah oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay gobolka Sh/Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu shaaciyey in qaraxyadaasi ay la beegsatay gaari Cabdi Bile ah oo marayey deegaanka Warmaxan, iyada oo  sheegtay inay la socdeen ciidamo lagu tababaray saldhigga weyn ee Bali-Doogle.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in weeraradaas qaraxyada ah ay ku dishay ugu yaraan 4 askari, ayna ku dhaawacday 2 kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan sheegashada Al-Shabaab.

Inta badan Xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab ayaa weeraro jid-gal ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe sidoo kale ciidamada huwanta ayaa dhankooda kordhiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo weli dagaal ku jirta dowladda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this