Deeq A. Posted April 29, 2020 Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlayey saamaynta ballaaran ee ay yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmada Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac intaba. Siciid Deni ayaa kala hadlay xubnaha guddiga gurmadka fatahaada, sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa khaasaraha ka dhashay daadadkaasi, si deg-deg wax looga qabto. Xaaladda Qardho ayaa weli ah mid adag, waxaana haatan socda gurmad xoogan oo loo fidinayo qoysaskii ay saameynta ku yeesheen daadadkii ku rogmaday magaaladaasi. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites