Deeq A. Posted April 29, 2020 Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo ganacsato ayaa maanta markale dibadbax ballaaran ka dhigay qeybo ka mid ah Caasimadda. Banaanbaxa oo looga soo horjeeday bandowga xilliyada habeenkii ah saaran Muqdisho ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Dibadbaxayaasha qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa ka dalbaday dowladda federaalka inay qaado bandowga ay soo rogtay wixii ka dambeeya 8:00 habeenimo. Sidoo kale ganacsatada ka qeyb-galayey dibadbaxa ayaa tilmaamay in bandowga uu saameyn xoogan ku yeeshay ganacsigooda, islamarkaana ay khasaaro kala kulmeen. Dhowaan ayey aheyd markii banaanbax kan la mid ah, balse rabshado watay uu ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites