Sign in to follow this  
Deeq A.

Xidig oo ka hadlay sababta uu ula heshiiyey Axmed Madoobe, fariinna u diray DF + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ahaa Golihii Isbadal doonka Jubbaland, maantana kamid ahaa wafidigii uu hoggaaminayey Axmed Madoobe ee gaaray Magaalada Kismaayo, ayaa ka hadlay heshiiskii lagu kala saxiixday Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Cabdirashiid Xidig oo saxaafadda kula hadlayey Magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay u tanaasuleen danta Shacabka Soomaaliya iyo kan Jubaland.

Wuxuu tilmaamay in xubnaha Isbadal doonka ay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe la saxiixdeen heshiis aan marnaba laga noqon doonin, sida uu hadalka  u dhigay.

Sababta ay Kismaayo u imaadeen ayuu ku sheegay inay tahay sidii loo dhameystiri lahaa inta ka dhiman heshiiska ay la gaareen Madaxweyne Axmed Madoobe, oo uu sheegay in lasoo gabagabeeyey wajagiiisa koowaad.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay aqbasho heshiiska ay gaareen isla markaasna ay la shaqeyso Maamulka Jubbaland, maadaama uu sheegay, inaysan kala maarmin Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubbaland.

Dhawaan ayey aheyd markii madaxweyne Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubnaha ururka isbadalka doonka Jubbaland ee ka hor imaaday doorashadii Kismaayo ka dhacday ay heshiis ku kala saxiixdeen Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Dowladda Soomaaliya we ma aysan ka hadlin heshiiskaas, waxaana muuqata inaysan dowladda ku qanacsaneyn heshiiska, waxayna weli qeybo kamid ah Gedo ka wadaa howlo Militari oo ay qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiya ee kamid ah howlgalka Midowga Afirca ee AMISOM.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Cabdirashiid Xidig

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this