Deeq A. Posted April 29, 2020 Wafdi ka socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha, gudigga Qaranka ee ka hortagga Covid19 iyo dhaqaatiir ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe. Xubnahaan ayaa waxaa magaalada Jowhar ay gaarsiyeen shixnad daawooyin ah iyo qalab kale oo loogu talagalay in lagula tacaalo cudurka faafa ee Coronavirus. Mucaawinadaasi oo ka timid xafiiska R/wasaaraha waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu taageero dadaalada lagu yareynaayo caabuqa halista ah ee Covid 19. Wafdigaasi waxaa Jowhar ku soo dhoweeyey mas’uuliyiinta Hirshabelle, iyaga oo muddada ay joogaan halkaasi u kuur gali doono xarumaha loo qorsheeyey Karantiilka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites