Deeq A. Posted April 29, 2020 Madaxda hay’adda Hormuud Foundation iyo kuwa Salaam Soomaali Bank ayaa marka hore kormeer ku sameeyey qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Dr. Xabeeb ee degmada Kaxda, iyagoo halkaas kula kulmay dadka qaba xanuunada Dhimirka. Intaas kadib guddoomiyaha hay’adda Hormuud Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa ku wareejiyey maamulka isbitaalka Xabeeb deeq raashiin ah. Madaxa hay’adda Hormud Foundation ayaa sheegay in deeqdaan ay qeyb ka tahay deeqaha ay ugu talagaleen dadka dhibanayaasha ah inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, islamarkaana ay sii wadi doonaan taageeradooda. Dhankiisa madaxa isbitaalka dhimirka ee Dr Xabeeb, Cali Maxamed Xasan oo deeqda guddoomay ayaa kaga mahad celiyay Hormuud iyo Salaam Soomaali Bank kaalinta ay ka qaadanayaan u gargaarida dadka dhibaateysan, isagoona xusay in deeqdan ay ku soo aaday, xilli ay aad ugu baahnaayeen Ugu dambeyn madaxa arrimaha bulshada ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha Maryan Amiin Aweis oo hadal kooban ka jeedisay goobta ayaa uga mahadcelisay Hormuud Foundation iyo Salaam Soomaali Bank, sida ay ula socdaan baahiyaha dadka danta-yar. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites