Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaxda iyo Afgooye oo caawa ku tartamaya Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Waa habeenka todobaad ee barnaamijka tartanka Shabelle, waxaana ku ballansan degmooyinka Kaxda iyo Afgooye oo kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Hoose.

Kaxda iyo Afgooye ayaa waxaa lagu bilaabi doonaa tartanka u dhexeeya degmooyinka ku jira groupka D, is aragiisa koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale labada degmo ayaa kala matali doono gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, waxaana tartamayaashu ay wadaan diyaar garowgii u dambeeyey.

Barnaamijka tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo sanadkan aad u xiiso badan ayaa weli maraya wareegiisii koowaad, waxaana illaa iyo hadda wacdaro ka dhigay degmooyinka Dayniile, Warta Nabadda iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this