Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Mahad Alle oo si rasmi ah xilka u wareejiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabad kooban oo lagu qabtay aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa maanta xilkiisa kula wareegay Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir mudane Axmed Xasan Iiman iyadoo uu goob joog  ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim dheere).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir  ayaa ka qeeygalay munaasabda xil-wareejinta

Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  u magacaabay  Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iiman ka dib wareegto xilka looga qaaday  gudoomiyihi hore Ibaarim dheere.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

95443433_2562356497336427_4181066004555628544_n 95585821_2562356450669765_315310995356516352_n xil 95181322_2562356567336420_5593874215011876864_n 95252941_2562356527336424_2709305635635200000_n 95440744_2562356614003082_88972596883750912_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this