Deeq A. Posted April 29, 2020 Munaasabad kooban oo lagu qabtay aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa maanta xilkiisa kula wareegay Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir mudane Axmed Xasan Iiman iyadoo uu goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim dheere). Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeeygalay munaasabda xil-wareejinta Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iiman ka dib wareegto xilka looga qaaday gudoomiyihi hore Ibaarim dheere. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites