Sign in to follow this  
Deeq A.

Marxuum Gaatamow oo lagu aasay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee waxaa maanta Qabuuro ku yaalla degmada Dayniile ee G/Banaadir lagu aasay Wariye Axmed Faarax Gaatamow oo ahaa agaasimaha Madbacadda Qaranka, kaas oo xalay u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha oo ku soo booday.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb-galay ehellada marxuumka bahda saxaafadda & mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaafinta xukuumada Soomaaliya.

Cabdi Shakuur Cali Axmed Tafaftiraha Radio Muqdisho oo ka qeyb gakayta ayaa faah faahin ka siiyey Idaacadda Shabelle, wuxuuna sheegay in Axmed Faarax Gaatamow ahaa shaqsi aqoonyahan ah, islamarkaana muddo u soo shaqeeyey dalkiisa.

Wariye Gaatamow ayaa horay uga soo shaqeeyey Idaacadda Shabelle, isagoona sidoo kale xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo dhamaan Madaxda Wasaaradda Warfaafingta ayaa si wada jir ah uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Axmed Faarax Gaatamow oo ahaa Agaasimaha Madbacadda Qaranka.

Wasiir Maareeye ayaa guud ahaan bahda saxaafadda iyo ehelada uga tacsiyadeeyay geerida naxtinta leh ee ku timid Marxuumka.

Gaatamow ayaa ahaa shaqsi howlkar ah oo in muddo ah ku soo dhex jiray warbaahinta, waxaana uu culuumta saxaafadda ka bartay Jaamacadda Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this