Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay guddiga gurmadka Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir-gudoomiyey kulan looga hadlayey saamaynta balaaran ee ay ku yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran.

Madaxweyne Deni,  ayaa kala hadlay Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar, sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa khaasaraha ka dhashay, Fatahaadda, si deg deg wax looga qabto.

Fatahaaddii habeen hore ka dhacday Qardho, waxaa ku naf-waayay ilaa lix ruux oo isu’gu jira saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn, kuwaas oo midkood haweeney ahayd, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Qardho.

Sidoo kale, waxaa ku hanti-beelay boqollaal Qoys oo haatan aan haysan hu’ iyo hooy midna, waxaana socda gurmad ballaaran oo loo samaynayo dadka ay waxyeellada gaarsiisay fatahaadda Roobka.

1-23.jpg?resize=1000%2C715&ssl=1 2-15.jpg?resize=1000%2C651&ssl=1 3-14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-10.jpg?resize=1000%2C631&ssl=1 5-10.jpg?resize=1000%2C672&ssl=1 6-9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay guddiga gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this