Sign in to follow this  
Deeq A.

Qardho: Waddooyinkii Fatahaadda ku xirmay oo dib loo furayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga gurmadka magaalada Qardho, ayaa bilaabay hawl-galo lagu baneynaayo wadooyinka iyo goobaha ay xireen daadadku, si dib loogu furo isu-socodka dadka iyo gaadiidka.

Guddiga oo isticmaalaya gaadiidka CAGAF-ta la yiraahdo, ayaa saaka banneeyay goobo kala duwan oo ku xirmay Fatahaaddii habeen hore ka dhacday degmada Qardho, si loo soo celiyo isu-socodka magaalada.

Guddigaan waxaa xubno ka ah Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeyna Puntland Axmed Bashiir, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaji Siciid, Taliyaha Ciidanka Daraawishta Puntland Gen.Yaasin Cumar dheer, Gen.Khaliif Ciise Mudan, Guddomiyaha Gobolka Karkaar, Siciid Maxamed Faahiye iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdi Caseyr Yuusuf.

Daadadkii ku fatahay Qardho, ayaa xiray waddooyin iyo gooba kale oo muhiim u ahaa magaalada, waxayna xannibeen isu-socodka  qaar kamid ah xaafadaha Qardho.

5-11.jpg?w=1000&ssl=1 1-24.jpg?w=1000&ssl=1 3-15.jpg?w=1000&ssl=1 2-16.jpg?w=1000&ssl=1 6-10.jpg?w=1000&ssl=1 4-11.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Qardho: Waddooyinkii Fatahaadda ku xirmay oo dib loo furayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this