Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadkii lagu waayey daadadkii ku rogmaday Qardho oo nolol lagu helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Qardho ayaa sheegaya in saaka dib loo helay dadkii lagu waayey daadadkii habeen hore ku dhuftay magaaladaas, kadib baadi-goob ay si wadajir ah u sameeyeen Puntland iyo shacabkeeda.

In ka badan 10 ruux oo ay go’doomiyeen daadadkaasi ayaa la soo bad-baadiyey, kuwaas oo dib ula midoobay qoysaskooda.

Xaaladda Qardho ayaa weli ah mid adag, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo qoysaskii ku guryo beelay daadadkii ku rogmaday halkaasi.

Fatahaadaha iyo daadka is-watay ayaa waxaa ku naf waayey illaa 6 ruux oo isugu jira saddex caruur ah iyo saddex qof oo waaweyn, kuwaas oo midkood ay haweeney aheyd.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Puntland oo shalay gelinkii dambe gaaray magaalada ayaa magacaabay guddi gaar ah oo ka shaqeeya u gurmashada dadkaasi.

Guddigan oo ka kooban llaa 24 xubnood ayaa waxaa laga soo dhex xulay golaha wasiirada maamulkaasi.

Halkaan hoose ka aqriso liiska:

1. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye)
2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
3. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga
4. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska
5. Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda
6. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha
7. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka
8. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
9. Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta
10. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska
11. Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA
12. General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha
13. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
14. Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi
15. Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye
16. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre
17. Siyaasi Cali Abdi Awaare
18. Guddomiyaha Gobolka Karkaar
19. Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar
20. Guddomiyaha Degmada Qardho
21. Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda
22. Jaamac Salaad Maxamed (Dhagadheere) Ganacsatadda.
23. Axmed Cabdi Hurre
24. Maxamed Caydiid Jaamac (Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this