Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe iyo Xidig oo ku laabtay Kismaayo, kadib heshiiskii Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Axmed Madoobe ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golihii Isbedal-Doonka maamulkaas oo uu ugu horreeyo Cabdirashiid Xidig.

Sidoo kale waxaa Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdigiisa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin iyo dadweyne fara badan.

Axmed Madoobe ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Nairobi, halkaas oo uu heshiis kula soo saxiixay xubnihii ugu saameynta badnaa ee mucaaradkiisa.

Wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu Madaxweynaha Jubbaland la hadli doono warbaahinta, isagoona ka warbixin doono safarkii uu ku tegay dalka Kenya.

Heshiiska ay wada gaareen dhinacyada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale soo dhoweeyey xubnaha beesha caalamka, walow uu weli halkiisii yahay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland ee ka dhashay doorahadii ka dhacday Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this