Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Waare oo ku amray gudoomiyaasha gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe in ka qayb-qaatan gurmadka Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar, ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii waxyeelada ka soo gaartay fatahaaddii roobabka gu’ga ee ku soo rogmaday magaalada Qardho.

Waxaan aad ula murugoonaynaa walaalaha Qardho saameynta Culus ay ku yeesheen Daadka ka dhashay Roobabka Gu’ga ee dalka ka curtay” ayuu yiri Waare.

Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo gudoomiyaha gobalka shabeellada dhexe Axmed Mayre Makaraan waxa uu ku amray  in ay si deg deg ah ula shaqeeyaan gudiyada gurmadka Hirshabelle State ay shacabkeeda ugu tala-galeen magaalada Qardho.

Sidoo Kale Madaxweynaha Hirshabeelle  ayaa mas’uuliyiinta Puntland Ku amaanay dadaalada Gurmadka Deg dega ah ay ka sameeyeen Fatahaaddii saameysay shacabka Qardho.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay Reer Puntland garab istaagoodii walaalnimo oo fatahaadii ugu dambeysay Bulshada Hirshabelle ay u muujiyaan isagoo xusay in taasi daliil u tahay sida shacbiga Hirshabelle iyo Puntland uu uga dhexeeyo xiriir Qoto dheer oo walaalnimo iyo Ganacsi ah.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Waare oo ku amray gudoomiyaasha gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe in ka qayb-qaatan gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this