Deeq A. Posted April 29, 2020 Allaha u naxariistee waxaa xalay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday agaasimihii Madbacadda Qaranka, Marxuum Axmed Faarax Gaatamow oo ka mid ahaa rug-cadaadayaasha saxaafadeed ee ugu saameynta badnaa dalka. Marxuumka ayaa waxaa la sheegay inuu uu geeriyooday, kadib markii uu soo wajahay xanuun dhanka Wadnaha oo degdeg ah, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyey wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo daxliiska xukuumadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa geerida ku timid Wariye Gaatamow ka tacsiyadeeyey agaasimaha guud mas’uuliyiin kale iyo howlawadeenada wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa sanadkii 2012-kii waxa uu ka baxay kuliyadda saxaafadda iyo siyaasadda ee Jaamacadda Muqdisho, wuxuuna uu ka soo shaqeeyey warbaahino ay ka mid tahay Idaacadda Shabelle oo uu barnaamij soo saare ka ahaa. Gaatamow ayaa ahaa shaqsi ku sifoobay dhaqan wanaagsan oo afkiisa iyo adinkiisa laga nabad galay, saacadaha soo socda ayaana lagu wadaa in la aaso marxuumka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites