Deeq A. Posted April 29, 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa qeylo dhaan u diray xubnaha beesha caalamka iyo cid kasta oo gurmad la soo gaari karto dhibaatadii ka dhacday magaalada Qardho ee maamulkaasi. Siciid Deni ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay sameyn doonaan wax kasto oo ay u qaban karaan dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay daadadkaasi. Qeylo dhaantan ayaa timid, kadib markii ay daadad xoogan habeen hore ay ku rogmadeen magaalada Qardho oo ka tirsan gobolka ay Puntland u bixisay Karkaar. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/DE.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites