Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo Tacsi u diray Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa dhambaal tacsi ah u diray shacabka Puntland, isaga oo uga tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday daadadkii xooganaa ee ku fatahay magaalada Qardho ee maamulkaasi.

“Aniga oo ku hadlaya magaca dowlad goboleedka Galmudug, waxaan si dhaw murugada iyo xanuunka ula wadaagayaa ehelada iyo asxaabta dhammaan marxuumiintii ku shahiiday masiibadii ka dhacday magaalada Qardo. Intii geeriyootay Alle ha u naxariisto, inta Dhaawaca ah soo kabasho iyo caafimaad deg deg ah, intii ku ceertowdeyna badal kheyr qaba Alle ha siiyo.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ugu baaqay shacab weynaha maamulka Galmudug inay u gurmadaan walaalaha ku waxyeeloobay daadadka ku rogmaday magaalada Qardho, xilli lala daala dhacayo saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this