Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo soo dhoweysay heshiiskii Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Saaxiibada beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey heshiiskii dhex-maray hoggaanka Jubbaland iyo golaha la magac baxay Isbedal-Doonka maamulkaasi, kaas oo lagu saxiixay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Beesha caalamka ayaa heshiiskaasi ku tilmaantay tallaabo wax ku ool ah oo lagu xalinayo khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii Jubbaland ee uu ku soo baxay Madaxweyne Axmed Madoobe, taas oo bishii August ka qabsoontay Kismaayo.

Doorashadaasi ayaa dhalisay khilaaf xoogan, waxaana ku kala qeybsamay saamileyda siyaasadeed ee maamulkaasi iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale saxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhiiro-gelinayaan heshiiskii Nairobi ku dhex-maray MadaxweynahaJubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo golaha Isbadal-Doonka maamulkaasi, waxaana hoggaamiyayasha siyaasadeed, madax dhaqameedyada iyo hoggaanka beelaha loogu baaqay inay hirgaliyaan qodobadii lagu saxiixay Nairobi 23-kii bishaan April ee 2020-ka.

Warkaan ka soo baxay beesha caalamka ayaa ku soo beegmaya, xilli weli uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda sare ee dowladda federaalka iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland, kaas oo ka dhashay doorasho ay sharci darro ku tilmaamtay dowladda dhexe oo sanadkii tegay ka dhacday magaalada Kismaayo, islamarkaana uu ku soo baxay, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this